Dowladda Soomaaliya oo dalbatay in la sameeyo Guddi isku dhaf ah oo soo celiya Xidhiidhkii kala dhaxeeyay Kenya

Soomaaliya iyo Kenya
Soomaaliya iyo Kenya

Muqdisho (Aftahannews) – Dowladda Soomaaliya, ayaa ku baaqday in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya qaababka dib loogu soo celinayo xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Kenya.

Soomaaliya iyo Kenya
Soomaaliya iyo Kenya

“Wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa sida ay uga go’antahay dib u soo celinta iyo dardargelinta diblomaasiyadda, ganacsiga iyo xidhiidhka Kenya,” ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, oo soo dhaweysay dib u furitaanka hawada Kenya, ayaa sheegtay in talaabada ay qaaday Kenya ay tahay bar bilowga wada xaajoodka lagaga gol leeyahay in si caadi ah laga dhigo xidhiidhka labada dal.

Hadalkan, ayaa soo baxay kadib markii Kenya ay ka qaaday xayiraadii saarneyd muddo bil ku dhow duulimaadyada aada ama ka baxa Soomaaliya, taas oo loo sababeeyay khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal ee deriska ah.

Soomaaliya, ayaa dhinaceeda sheegtay in dib u furista hawada ay tahay tallaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday ganacsiga, isgaadhsiinta iyo isu-socodka muwaadiniinta labada dal.