Puntland oo shaacisay in ay dishay 20 xubnood oo ka tirsan Daacish oo uu ku jiro Sarkaal Ajnebi ah

Ciidanka Amniga Maamulka Puntland
Ciidanka Amniga Maamulka Puntland

Boosaaso (Aftahannews) – Ciidanka amniga maamulka Puntland ee loo yaqaan PSF, ayaa howgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen buuralayda gobolka Bari waxay sheegeen in ay ku dileen Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsan Kooxda Daacish.

Ciidanka Amniga Maamulka Puntland
Ciidanka Amniga Maamulka Puntland

Qoraal lagu daabacay baraha bulshada ee ciiddanka PSF, ayaa sidoo kale lagu sheegay in howgalkaas lagu khaarajiyay 20 xubnood oo ka tirsan Daacish, sidoo kalena lagu burburiyay saldhig Daacish qaraxyada ka soo abaabuli jirtay.

Sarkaalka ajnebiga ah ee la sheegay in weerarkas lagu dilay waxaa lagu magacaabaa, Khaalid Jaamac Maxamed (Abu Usama Al-muhaajir). Wuxuu u dhashay dalka Pakistan, wuxuuna Daacish u qaabilsana sahanka iyo tababarada.

Taliska PSF, waxay sheegeen in howlgalkan uu ka dambeeyay xog ay bixiyeen xubno ka tirsan Daacish oo gacanta lagu dhigay.

Ilaa iyo hada lama sheegin wax khasaare ah oo dhinaca ciidanka ka soo kala gaadhay.