Madaxweynihii Hore Dalka Siralyoon iyo Goobjoogeyaal kale oo Caalami ah oo Somaliland soo gaadhay

Hargeysa (Aftahannews):- Waxa dalka Somaliland kusoo qul qulaaya goob joogeyaasha caalamiga ah ee ka qayb gelaaya doorashooyinka dalka ka dhici doona bisha May 31-keeda.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Eng Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) iyo xubno kale oo kamid ah Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa garoonka diyaaraddaha ee magaaladda Hargeysa kusoo dhoweeyey madaxweynihii hore ee dalka Siralyoon Ernest Bai Koroma oo kamid ah goob joogeyaasha caalamiga ah ee goob jooga ka noqon doona doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Degaanka iyo wakiiladda Somaliland.

Guddoomiye Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riya Raac) ayaa goob joogeyaasha dalka soo gaadhey warbixin ka siiyey habka ay doorashooyinka Goleyaasha degaanka iyo Wakiiladda Somaliland ee isku sidkani dalka uga dhacayaan, isaga oo sidoo kalena faah faahin ka siiyey nidaamka qorshe ee ay Guddida doorashooyinka Qaranku doorashooyinkaas u qorsheeyeen.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Eng Cabdirashiid Riyo Raac waxa uu sheegay in goob walba la dhigi doono laba sanduuq doorasho, kuwaas oo loogu kala codayn doono xildhibaanada Golaha Degaanka iyo kuwa golaha Wakiiladda Somaliland, iyada oo goobtiiba loo asteeyey sida uu guddoomiyuhu sheegay ugu badnaan 450 codbixiye.

Tiradda goobaha codbixinta ayuu sheegay Guddoomiye Riyo Raac in ay yihiin 2,709 goobood,iyada oo tiradda murashaxiintuna ay tahay  798 murashax,iyada oo 552 murashax ay u tartami doonaan Goleyaasha Degaanka dalka,halka 246 murashaxna ay u tartami doonaan Golaha Wakiiladda Somaliland.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Eng Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) waxa uu usoo jeediyey Goob joogeyaasha caalamiga ah ee dalka soo gaadhey in ay dalalkii ay ka yimaadeen iyo bulshadda caalamkaba gaadhsiiyaan waxyaalaha ay ku arki doonaan doorashooyinka Somaliland iyo goobaha ay tegi doonaan,waxaanu tilmaamay in ay indhohooda ku arki doonaan wax wanaagsan iyo doorashooyin ku dhaca hab nabadgelyo ah iyo hab xor iyo xalaal ah.