Xisbiga WADDANI oo guud ahaan Dalka ku soo bandhigay maalintiisii u dambaysay Ololihiisa Doorashada

Hargeysa (Aftahannews) – Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo ay maanta ahayd maalintiisi ugu dambaysay ee uu u lahaa kaltanka ololaha doorashada goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ayaa isu soo baxyo la xidhiidha ololaha doorashada ka sameeyay guud ahaan gobollada dalka.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo musharraxa Madaxweyne ku xigeen Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa magaalada Wajaale kaga qayb galay ololaha doorashada oo musharraxiinta iyo taageerayaasha Xisbigu cududooda ku muujinayeen.

Gobollada uu xisbiga mucaaradka ee WADDANI taageerayaashiisu ay dhoola tuska ololaha doorashada isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka ka sameeyeen waxa ka mid ahaa gobolada Toghdeer, Awdal, Saaxil, Sanaag, Sool iyo Maroodijeex.

Taageerayaasha xisbiga WADDANI, ayaa isku soo baxyo ay ku muujinayaan taageradooda ay u hayaan musharaxiinta xisbigaasi uga sharaxan doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ka dhigay gobollada dalka, iyagoo ku dhawaaqayay hal-kudhigyo ay ku taagerayaan xisbigaasi.

Waxa taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI kula hadlay fagaareyaal ku kala yaala gobolada iyo degmooyinka dalka masuuliytiin iyo musharaxiinta u taagan doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, iyagoo ka dalbaday inay codkooda siiyaan maalinta 31-ka may.

Sidoo kale, Xisbiga WADDANI, ayaa ololaha doorashadda golayaasha deegaanka iyo Wakiilladda ku qabtay Magaalooyinka Saylac, Balli Gubadle, Sallaxley, Oodweyne, Caynaba, Ceel Afweyne Gabiley, Wajaale iyo badiba magaalooyinka dalka.

Waxaana Taageerayaasha Xisbiga WADDANI la hadlay Murashixiinta golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo ka waramay qorshayaasha ay ku horumarinayaan magaalooyinka ay ku tartamayaan iyo sida ay wax uga bedelayaan gollaha Wakiilladda.

Murashixiinta, ayaa ka dalbaday dadweynaha Somaliland iyo Taageerayaashoodu inay Codkooda siiyaan 31 May oo ah Maalinta ay dhacayso doorashadda isku sidkan ee golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada iyagoo balanqaaday inay si daacadnimo iyo waddaninimo leh ugu adeegi doonaan dalkooda iyo dadkooda.