Madaxweyne Biixi oo ku soo guryo noqday Caasimadda Hargeysa

Hargeysa (Aftahannews) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii u danbeeyey safar shaqo oo la xidhiidha dardargelinta doorashooyinka Wakiillada iyo deegaanka ugu maqnaa gobollada Saaxil iyo Togdheer, ayaa maanta oo Jimce ah dib ugu soo laabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynaha oo saaka kasoo jarmaaday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu shalay kaga qaybgalay isu soo bax ballaadhan oo ay sameeyeen taageerayaasha xisbiga KULMIYE, ayaa  goor dhaweyd soo gaadhay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.