Burco: Madaxweynaha Somaliland oo Kumannaan Taageerayaal ah Kala Qaybgalay Ololaha Xisbiga KULMIYE

Madaxweynaha Somaliland oo Taageerayaasha KULMIYE ee Burco ah la hadlaya
Madaxweynaha Somaliland oo Taageerayaasha KULMIYE ee Burco ah la hadlaya

Burco(aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa taageerayaasha KULMIYE ee magaalada Burco iyo deegaannada dhinaca Waqooyi kaga teedsan ee ay degmada Qoyta, kala qaybgalay maalinta labaad ee Ololaha doorashooyinka wakiillada iyo degmooyinka ee xisbiga KULMIYE oo maanta ku beegan.

Madaxweynaha Somaliland oo Taageerayaasha KULMIYE ee Burco ah la hadlaya
Madaxweynaha Somaliland oo Taageerayaasha KULMIYE ee Burco ah la hadlaya

Taageerayaasha KULMIYE oo lulaya calanka xisbiga, kuna lebbisan astaamaha murrashaxiinta kala duwan ee xisbiga ka sharraxan, wegen fardo ahina hor boodayaan, ayaa madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo oo kasoo kicitimay Berbera kaga horyimi duleedka waqooyi ee magaalada, waxana ay u galbiyeen dhinaca Khayriyada badhtaha, halkaas oo lagala hadlay taageerayaasha xamaasadaysan ee xisbiga KULMIYE ee muujinayey cududdooda iyo taageeradooda.

Ugu horrayn saraakiil xukuumadda iyo xisbiga katirsan oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha degmada Burco, Md. Maxamd Cabdiraxmaan Muraad, Badhasaabka gobolka Togdheer, Md. Maxamed Diiriye Xayd, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer, Md. Ismaaciil Xalane Daahir, La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka, Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo katirsan guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE, xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama), xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo taageerayaasha halkaas kala hadlay, ayaa si ballaadhan uga mahadnaqay soo dhaweynta iyo xamaasadda ay ku qaabileen madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa, waxana ay ugu baaqeen inay maalinta doorashada codkooda si hubsiimo leh u siiyaan murrashaxiinta ka sharraxan xisbiga KULMIYE.

Wasiirrada wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Md. Siciid Sulub Maxamed, Tamarta iyo Macdanta, Md. Jaamac Maxamuud Cigaal iyo Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa iyaguna hadallo mahadnaq ah u jeediyey taageerayaasha KULMIYE ee magaalada Burco, waxana tilmaameen inay Burco tahay xuddunta KULMIYE ee ay ku dhaqan yihiin taageerayaasha ugu badan ee xisbigu leeyahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ee taageerada luxdan u muujiyey xisbiga KULMIYE, ayaa ka mahadceliyey sida milgaha iyo xamaasadda leh ee loogu soo dhaweeyey magaalada Burco, waxana uu ku adkeeyey in sida ay cududooda taageero u muujiyeen maalinta doorashadana codkooda ula garab galaan murrashaxiinta xisbiga KULMIYE.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in sababta uu usoo safray ee Burco usoo gaadhay ay tahay sidii uu u taageeri lahaa, uguna ololayn lahaa murrashaxiinta KULMIYE uga sharraxan guud ahaanba gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland, “Maanta halkan waxannu u nimi inaanu taageerno murrashaxiinta KULMIYE ee ka sharraxan gobolka Togheer ee kala ah deegaanka iyo wakiillada, qof walibana waxa uu ku taageerayaa waxa uu hayo, annagu waannu u ololaynaynaa, iyagaannu gobollada u maraynaa, gobolladana waxannu ku dhiirrigelinaynaa waan ogahay oo codka KULMIYE diyaar baad la tihiin, laakiin waxan u imi inaan idin xasuusiyo inaan maalintaas cod KULMIYE ahi aanu baaqan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa uu guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE meel ay ku nool yihiinba ugu baaqay inay xil gaar ah iska saaraan sidii gacan uga geysan lahaayeen tabantaabinta waayeelka iyo dadka jilicsan maalinta codaynta, si meesha looga saaro inuu baaqdo cod KULMIYE ahi ka baaqdo sanduuqa.

Wa-bilaahi Tawfiiq.