Dhacdooyinkii ku lamaanaa Isku-soo-baxyadii Ololaha Doorashada ee Xisbiyadu Dalka ka sameeyeen 3-dii Maalmood ee u dambeeyay

Musharax Barkhad Batuun
Musharax Barkhad Batuun

Hargeysa (Aftahannews) – 23-kii bishan May, 2021 waxa Somaliland ka bilaabmay ololaha doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka oo hal mar la wada qabanayo.

Musharax Barkhad Batuun
Musharax Barkhad Batuun

Ololaha doorashada oo soconaya muddo 6 Maalmood ah, ayaa waxa Guddiga doorashooyinka Qaranku ay Xisbi walba la siiyey 2 Maalmood, Xisbiyada iyo Musharraxiintooduba u helaan fursad ama wakhti ay taageerayaashooda ku gaadhsiiyaan farriimahooda.

Ololaha doorashada, ayaa 23-kii bishan waxa furay oo bilaabay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, waxaana ku xigay Xisbiga talada Somaliland ee KULMIYE, waxaana ugu dambeeyay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Ololaha doorashada oo aanay Xisbiyadu door weyn ku lahayn isla-markaana oo intiisa badan ay wadaan Musharraxiinta u ordaya inay ka mid noqdaan Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada, waxa barbar socda dhacdooyin kala duwan, kuwaasi oo isugu jira Layaab iyo Maad.

Musharraxiinta ayaa ku dedaalaya inay Taageerayaashooda u gudbiyaan farriimo hufan oo la fahmi karo, si ay ugu qanciyaan inay Maalinta doorashada u codeeyaan, taasina waxay keenaysaa in Musharrax kastaaba uu sameeyo Habka uu is leeyahay Farriintaadu way ku gudbi kartaa.

Tusaale ahaan, saddexdii Maalmood ee ololaha doorashadu socday waxay Musharraxiinta qaarkood sameeyeen ficillo dadka qaarkood u arkeen wax layaab leh, dad kalena ula ekaaday wax lagu Maadsado ama lagu qoslo.

Dhacdooyinkaasi oo badankoodu ku lamaanaa Musharraxiinta u tartamaya Golaha Wakiillada, ayaa waxa ka mid ah Musharrax Fagaarihii uu Taageerayaashiisa kala hadlayey  tagay isagoo gacmaha ku sida Diig nool, arrintaasi oo hadal hayn badan dhalisay, kuna faaftay baraha Bulshada ee Dadku waxa xidhiidho, Musharraxaas waxa astaanta Taageerayaashiisu Maalinta Codka ku garanayaan ah Diiggaa uu fagaaraha geeyay.

Waxyaabaha kale ee taa la midka ah, waxa ka mid ah Musharrax Fagaarihii uu Taageerayaashiisa kala hadlayey geeyay Faraskii Sawirkiisu astaanta u ahaa oo nool isla-markaana fuulay, taasi oo loo fahmi karo in Musharraxu uga dan leeyahay inaan taageerayaashiisu garan waayin Astaantiisa Maalinta cod-bixinta doorashada, sidaasi oo kale ayaa Musharraxiin kalena ay Fagaarihii ay Dadweynaha kala hadlayeen keeneen Shaygii Astaanta u ahaa oo socda, sida Cagaf oo kale.

Dhanka kale, waxa jira Dad qaarkood u ololanaya Musharraxa ay doonayaan in doorto, kuwaasi oo Fagaareyaasha ka jeediya hadallo ay Cod ugu raadinayaan Musharraxooda.

Mid ka mid ah Dadkaa aynu kor ku sheegnay ayaa isagoo khudbadaynaya waxa uu yidhi  “Kani (Musharraxa) waa kii Xabaalaha idiin qodi lahaa.” Hadalkaasi oo Macnaha uu samaynayo ka sakow, loo fahmi karo hadal cod loogu doonayo Musharraxa.

Dhacdooyinka ku lamaanaa wareegga koowaad ee Ololaha doorashada Somaliland, ayaan intan ka koobnayn.