Musharax Muxiyadiin Cabdi Cali Barkhad oo Magaalada Arabsiyo ku soo Bandhigay Cuduudiisa Taageero

Arabsiyo (Aftahannews) – Musharax Muxiyadiin Cabdiraxmaan Cali Barkhad oo ah musharax u taagan doorashada golaha Wakiillada Somaliland oo ka sharaxan xisbiga UCID, ayaa maanta cuduudiisa taageero ku soo bandhigay magaalada Arabsiyo.

Musharax Muxiyadiin Cabdi Cali Barkhad
Musharax Muxiyadiin Cabdi Cali Barkhad

Musharax Muxiyadiin Cabdiraxmaan Cali oo horkacaya Taageerayaashiisa oo ku gaashaanaa Astaanta iyo Lambarka Musharaxa, ayaa waxa ay socod ku mareen jidadka magaalada Arabsiyo.

Waxaanay taageerayaasha musharax Muxiyadiin Cabdiraxmaan Cali, soo bandhigeen wacdaro la yaab leh oo ay ku muujiyeen Cududda awoodooda Taageero ee ay la barbar taagan yihiin Musharax Muxuyadiin Cabdiraxmaan Cali.

Sidoo kale, Muxiyadiin Cabdiraxmaan Cali Barkhad oo taageerayaashiisa kula hadlay magaalada Arabsiyo, ayaa waxaa uu uga mahadnaqay sida ay u garab taagan yihiin iyo sida ay u muujiyeen taageerada ay u hayaan.