Musharax Cabdinaasir Qodax oo Cuduudiisa Taageero ku soo bandhigay Magaaladda Hargeysa

Musharax Cabdinaasir Qodax
Musharax Cabdinaasir Qodax

Hargeysa (Aftahannews) – Musharax Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax oo u taagan doorashada golaha Wakiillada Somaaliland, islamarkaana ka sharaxan xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa waxaa uu maanta cuduudiisa taageero ku soo bandhigay fagaaraha Beerta xoriyadda ee magaalada Hargeysa.

Musharax Cabdinaasir Qodax
Musharax Cabdinaasir Qodax

Sidoo kale, taageerayaasha musharax Cabdinaasir Qodax, ayaa iyaguna soo bandhigay wacdaro la yaab leh oo ay ku muujiyeen Cududda awoodooda Taageero ee ay la barbar taagan yihiin Musharaxiintooda, iyagoo lulayay boodhadh ay ku xardhan yihiin astaanta musharaxa.

Taageerayaasha musharax Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax oo ku gaashaanaa Astaanta iyo Lambarka Musharaxa, ayaa waxa ay ka soo kala dhaqaaqeen Saaka Waaberigii Xafiisyada Olalaha Doorashooyinka ee Musharaxu ku leeyahay Degmooyinka Caasimaddda Hargeysa.

Musharax Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax oo fagaaraha Beerta Xoriyada kula hadlay taageerayaashiisa, ayaa taageerayaashiisa uga mahadnaqay sida ay ula garab taagan yihiin taageeradooda, waxaanu ku booriyay inay si la mid ah sida ay maanta u muujiyeen Cuduudooda ay u muujiyaan maalinta Codka.