Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo sheegay in Heshiis laga Gaadhay Arrimaha la isku hayay ee Doorashada

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq
Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq

Muqdisho (Aftahannews)- Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa khudbad uu shalay galab u jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in “heshiis laga gaadhay” arrimaha la isku hayay ee doorashada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq
Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq

Wasiirka, ayaa sheegay in “mabda’ ahaan ay dhinacyada ku heshiiyeen saddexda qodob ee uu muranka ka taagnaa,” iyadoo war murtiyeedka heshiiskana la soo saari doono Khamiista soo socota.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamul goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa tan iyo Sabtidii ku shirsanaa xeradii ciidanka cirka ee Afisyooni.

Heshiis ay dhinacyada gaadhaan, ayaa dhabaha u xaadhi kara in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay, kadib markii uu muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhammaaday 8-dii February.