Mareykanka oo Gacan ka geysanaya dib u dhiska Gaza

Antony Blinken iyo Benjamin Netanyahu
Antony Blinken iyo Benjamin Netanyahu

Gaza (Aftahannews) – Xoghanaya arrimaha dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in dalkiisa uu gacan ka geysan doono dib u dhiska magaalada Gaza kaddib duqeymihii ay Israa’iil ka geysatay bartamihii bishan.

Antony Blinken iyo Benjamin Netanyahu
Antony Blinken iyo Benjamin Netanyahu

Balse waxaa uu sidoo kale sheegay in Mareykanka ay ka go’antahay in dagaalyahannada Xamaas ee gacanta ku haya dhulkaas ayna ka faa’iideysan dedaalada dib u dhiska ee Gaza.

Antony Blinken, ayaa ka hadlayay magaalada Qudus, kaddib wadahadal uu la yeeshay ra’iisal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Blinken, ayaa sheegay in Mareykanka uu ku dedaalli dooni sidii caalamka uu u taageeri lahaa dedaalka dib u dhiska Gaza, dhankiisana uu “dhaqaale wanaagsan ku deeqi doono” oo qeyb ahaan la shaacin doono gelinka dambe ee maanta.

Xabbad joojinta Israa’iil iyo dagaalyahannada Falastiiniyiinta, ayaa dhaqan gashay afar maalmood kahor.