Shirka Wadatashiga ee Doorashooyinka Soomaaliya oo la Shaaciyay Xilliga uu Xidhmayo

Madaxda Soomaaliya
Madaxda Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya, ayaa laga gaadhay natiijo wanaagsan, waxaana shirka la soo xidhi doonaa maalinta Khamiista ah, sida uu sheegay afhayeenka xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimow.

Madaxda Soomaaliya
Madaxda Soomaaliya

Macalimow, ayaa sheegay in is fahanka shirka uu maalinba maalinta kasii dambeysa kasii wanaag sanaanayo islamarkaana madaxdu ay muujiyeen bisayl ku aadan sida ay u doonayaan heshiis in laga gaadho arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Waxaa hadda gabagabo maraya dhameystirka qodobada heshiiska. Afhayeenku wuxuu sheegay in mugdiga laga saaray qodobo ay kamid yihiin amniga doorashada oo hore walaac lagaga muujinayay sida loo maamulayo.

Beesha caalamka, ayaa bogaadisay shirkan waxayna madaxda ka qeyb galaysa ku boorrisay inay muujiyaan tanaasul wax kastana laga horumariyo danaha shacabka Soomaaliya.