Guddoomiye Cirro oo Taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee Hargeysa kala Qaybgalay Ololaha (SAWIRRO)

Hargeysa (Aftahannews) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa faagaaraha beerta Xorriyadda ee Magaalada Hargeysa kaga qayb galay ololaha doorashada isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo masuuliyiin sarsare oo Xisbiga ka tirsan, ayaa Kumanaan taageerayaasha Xisbiga ah iyo Musharraxiinta kala qayb galay wacdaraha ay fagaaraha beerta Xorriyadda Hargeysa ay ku soo bandhigeen cudooda.