Militariga Dalka Mali oo Xidhay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Dalkaas

Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Dalka Mali
Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Dalka Mali

Hargeysa (Aftahannews) – Ciidamada Militariga dalka Mali, ayaa xidhay madaxweynaha dalkaas iyo waliba Raysal wasaarahiisa, wasiirka difaaca ee dowladda kumeel gaadhka ah ee dalkaasi.

Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Dalka Mali
Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Dalka Mali

Madaxweyne Bah Ndaw, iyo Raysal wasaare Moctar Ouane, wasiirkiisa difaaca Souleymane Doucoure, ayaa dhamaantood loo kaxeeyay xero Militari oo ku taala magaalada Bamako.

Xahdiga madaxda dalka Mali, ayaa ku soo beegmeysa bilooyin kadib markii Militariga dalkaasi ay talada ka tuureen madaxweynahii hore Mali Ibemrahim Boubacar.

Qaramada Midoobay, ayaa ku baaqday in si deg deg ah loogu soo celiyo xoriyadooda madaxda la xidhay ee dowladda kumeel gaadhka ah ee dalkaasi Mali.