Mareykanka oo Xayiraad Dhaqaale iyo Mid Milateri Saaraya Ethiopia

Antony Blinken
Antony Blinken

Washington (Aftahannews) – Dowladda Mareykanka, ayaa xayiraad ku soo rogaysa kaalmada dhaqaale iyo amni ee ay siiso Itoobiya sababo la xidhiidha eedo gabood-fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo dhacay intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay Axaddii soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Antony Blinken
Antony Blinken

Mareykanka, ayaa sidoo kale xayiraad saaraysaa saraakiil hore iyo kuwa hadda xilalka haya ee dalalka Itoobiya ama Eritrea, kuwaasi oo ay u aragto in ay mas’uul ka yihiin qalalaasaha.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallaabadani ay dowladda Mareykanka u qaadayso si loo soo dadajiyo xalka colaadda ka taagan Itoobiya.

Dhinacyada ku lugta leh “ma ayna qaadin talaabooyin macno leh oo ay ku joojinayaan dagaalada ama ay ku raadinayaan xal nabadeed oo laga gaadho qalalaasaha siyaasadeed,” ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.

Redwan Hussein, oo ah madaxa guddi-hoosaad ay dowladda Itoobiya ee u saartay arrimaha Tigray, ayaa sheegay in dowladdu ay goor dhow soo saari doonto bayaan. Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel ayaan ka jawaabin telfoonada iyo farriimo lagaga raadinayay inuu warkan ka jawaabo.

Kummanaan qof, ayaa la dilay iyadoo 2 milyan oo qofna lagu qasbay in ay ka cararaan guryahooda gobolka Tigray ka dib markii uu bishii November dagaal ka dhex qarxay Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) iyo militariga Itoobiya.

Ciidamo ka socda gobolka deriska ah ee Amxaarada iyo kuwa dalka Eretria, ayaa dagaalka galay si ay u taageeraan dowladda.

Dadka deegaanka, ayaa ku warramaya in ciidamada Ethiopia iyo xulafadooda ay dileen dad rayid ah ayna ku keceen kufsi wadareed.

Itoobiya, ayaa Jimcihii sheegtay in ay maxkamad soo taagtay askar gaysatay kufsi iyo dil dadka rayid ah, in kastoo diiwaanka maxkamadda aan wali la shaacin.

Eritrea iyo Itoobiya, ayaa labaduba muddo bilooyin ah waxa ay inkirayeen joogista askarta Eritrea ee gobolka Tigray ka hor intii ayna qiran in ay gobolka ku sugan yihiin islamarkaana ballan qaadin in ay ka bixi doonaan.

Blinken, ayaa sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono kaalmada bani’aadamnimada iyo deeqaha kale ee muhiimka ah ee la siiyo Ethiopia.

Waxa uu sheegay in ay sii socon doonaan xayiraadaha ballaadhan ee kaalmada ee saaran Eritrea.

Dowlada Itoobiya, ayaa beesha caalamka kala kulmeysay cadaadis xooggan oo lagu doonayo in ay muujiso isla xisaabtan, xilli ay sii kordhayaan wararka ku saabsan xasuuqa ka socda Tigray.

Midowga Yurub, ayaa joojiyay kaalmada lacageed ee lagu kabo miisaaniyadda Ethiopia ka dib markii ay soo bexeen warbixino kufsi wadareed, dil wadareed loo geystay dadka rayidka ah, iyo dhac baahsan oo ka dhacay gobolkan ku yaalla waqooyiga.

Blinken, ayaa sheegay in Mareykanku ugu yeedhay dowladda Ethiopia in ay la xisaabtanto dhammaan kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada xuquuqda iyo tacaddiga, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah, loona hubiyo in la helo marin xaddidaad la’aan loo mariyo gargaarka bani’aadamnimada.