Madaxweynaha Somaliland oo Taageerayaasha Kulmiye Ee Magaalada Berbera Kala Qaybgalay Ololaha Kulmiye

Berbera (Aftahannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa kala qaybgalay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Berbera isu soo bax ballaadhan oo ay ku daah-fureen maalinta koowaad ololaha xisbiga ee doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo Deegaanka.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo saraakiil katirsan xisbiga KULMIYE, ayaa la dabbaaldegay kumannaan katirsan taageerayaasha KULMIYE ee magaalada Berbera oo  ay wehelinayaan murrashaxiinta xisbiga ee gobolka Saaxil oo ku  gudo jira maalinta koowaad ee ololaha doorashooyinka 2021-ka.

Taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo isugu soo baxay goob fagaare ah oo ku taalla gudaha magaalada Berbera, islamarkaana ay ka muuqatay shucuur taageero, astaamaha murrashaxiinta iyo astaamaha xisbiga KULMIYE-na lulaya, ayaa waxa halkaas kala hadlay maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo xubno kamid ah weftiga madaxweynuhu hoggaaminayo.

Ugu horrayn xubno miisaan leh oo ay kamid yihiin Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan, Maayarka Degmada Berbera, Md. Cabdishakuur Maxamuud Xasan Ciddin, Badhasaabka gobolka Saaxil, Md. Axmed Maxamed Xaashi, La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka, Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo  guddoomiyaha KULMIYE ee gobolka Saaxil, Md. Sacad Cilmi Guuleed oo hadallo u jeediyey taageerayaasha KULMIYE ee magaalada Berbera, ayaa si ballaadhan ugu mahadnaqay taageerada miisaanka leh ee ay soo bandhigeen, waxana ay kula dardaarmeen inay maalinta la codaynayno sidaas oo kale murrashaxiinta xisbiga ula garab galaan codkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi oo taageerayaasha KULMIYE ee magaalada Berbera khudbad hogo-tusaalayn iyo dhiirrigelin isugu jirta u jeediyey, ayaa ugu horrayn tilmaamay inuu xisbiga KULMIYE weligiiba caan ku ahaa guusha, taariikh weyn oo dhinaca hormoodnimada ahna ku leeyahay tartanka siyaasiga ah ee gudaha Somaliland ka dhaca, waxana uu yidhi, “Xisbiga KULMIYE intii uu jirey iyo guushu walaalay ahaayeen, koobka siyaasadda ee Somaliland saddex goor oo la qabtay doorasho madaxweyne, labana koobka wuu qaaday, kii koowaad ee horena goolkii guusha muran baa la geliyey, kabacdina KULMIYE waxa lagu yidhi qaranka Somaliland baa loogu tudhay inaad sidaas ku qaadataan oo aqbashaan, markaa sidaasaannu ku aqbalnay, markaa KULMIYE iyo  guushu waa walaalo, weligoodna koobka siyaasadda way qaadaan, maantana kama werwerayo.”

Madaxweynuhu waxa uu taageerayaasha KULMIYE ku adkeeyey inay ku dedaalaan sidii ay codkooda si hagar la’aan ah u siin lahaayeen murrashaxiinta xisbiga KULMIYE, maalinta codayntana ay ka dheeraadaan in cod KULMIYE uu khasaaro,“Farriintaannu idiin sidnaa waa inaan cod KULMIYE maalinta codaynta aannu baaqan oo aad ku talo-gashaan oo aad diyaar garowdaan, farriintayda koowaadna waa in lasoo saaro murrashaxiinta KULMIYE ee gobolka Saaxil ee Baarlamaanka iyo kuwa deegaankaba,waanaynu naqaannaa sida loo soo saaro, awooddeedii iyo codkeediina waynu leenahay waxan doonayaa inaan cod KULMIYE ah khalad loo saxeexin, cod KULMIYE ah wuu seexday inaan la odhannin oo aan cod KULMIYE ah wuu habsaamay aan la odhan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay bugcadda istaraatiijiga ah ee ay ku taallo magaalada Berberi, isaga oo xusay in caalamku tartan ugu jiro marsada Berbera, isaga oo shacabka reer Berbera-na ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan, lana soo baxaan khayraadka ku duugan badda.