Shacabka Gabiley oo Muujiyey Taageeradooda Xisbiga KULMIYE iyo Madaxweynaha Somaliland iyo Hoggaanka Xisbiga oo ka Qaybgalay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Gabiley (Aftahannews)- Shacabka Gobolka Gabiley, ayaa mar kale muujiyey taageeradda baaxadda leh ee ay u hayaan xisbul-xaakimka KULMIYE oo maalintiisa koowaad ee ololihiisa doorashada isku-sidkan ee Wakiillada iyo Golayaasha Degaannada ee 31ka May ka sameeyey maanta.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Ololaha xisbiga KULMIYE ee Gabiley waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka mid ah hoggaanka kale ee xisbiga, waxaanay shacabka magaalada Gabiley soo bandhigeen dhoolla-tus ballaadhan oo ay ku soo bandhigeen fagaaraha khayriyada ee magaalada Gabiley, halkaas kumanaan ka mid ah taageerayaasha kala duwan ee xisbiga KULMIYE ay madaxweynaha ku qaabileen gudaha magaalada socod lug ah ay ku wareegeen waddooyinka kala duwan ee magaalada, iyagoo kadibna u galbiyey dhinaca fagaaraha khayriyada oo ahayd goobtii loogu talogalay in lagala hadlo taageerayaasha.

Xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Tignoolajiyadda iyo Isgaadhsiinta,  Mudane Cabdiweli Suufi Jibriil, Badhasaabka Gobolka Gabiley, Mudane, Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye, Maayarka Degmada Gabiley, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka, Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir(Cukuse), Maayarka degmada Gabiley Md. Maxamed Ammiin Cumar, Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah saraakiisha sare ee xisbiga KULMIYE oo ugu horrayn taageerayaasha KULMIYE fagaarahaa kala hadlay, ayaa u mahadnaqay kumannaanka taageere ee xisbiga ee cududdooda soo bandhigay, waxana ay ku adkeeyeen inay taageeradooda muujiyaan maalinta codaynta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo khudbad qalbitaabasho leh u jeediyey taageerayaasha KULMIYE ee Gabiley, ayaa sheegay in KULMIYE badka keenay murrashaxiin la hubo oo kalsooni badan lagu qabo kartidooda waxqabad midhaheeda la arkay, waxanu yidhi “Waxaynu maanta wadnaa xulka ciyaartoyga siyaasadda ee sannadka 2021 kooxda u ciyaaraysa gobolka Gabiley ee KULMIYE soo layliyey.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu KULMIYE caan ku yahay guusha, horena uu tartannada siyaasadda guulo isdaba-joog ah kasoo hoyn jirey, doorashadanna laga filayo inuu wacdaro kale ka dhigo, “Kooxda KULMIYE koobka siyaasadda ee Somaliland, laba goorna wuu qaaday, marna danta qaranka Somaliland ayuu uga tanaasulay intuu helay, maantana doorashada Baarlamaanka iyo Deegaanka waa inuu ku qaadaa goolal laga yaabay, Gabileyna taasaan ka rabaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.