Madaxweynaha Somaliland oo Daah-furay Ololaha Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ee Xisbiga KULMIYE

Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah fagaaraha beerta Xorriyadda ee magaalada Hargeysa uga daah-furay Ololaha Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee xisbiga Kulmiye  oo maalintiisii koowaad ee ka bilaabmay dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland.

Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi

Daah-furka Ololaha ee Hargeysa oo lagu qabtay xarunta Beerta Xorriyadda ee Caasimadda, ayaa waxa Madaxweynaha kala qaybgalay qaar ka mid ah hoggaanka, xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, la-taliyeyaal madaxweyne, 37-ka murrashax ee gobolka Maroodi-jeex uga sharraxan goleyaasha wakiillada iyo Deegaanka, masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda iyo marti-sharaf kale.

Madaxweynaha oo ay hareero socdaan hoggaanka xisbiga KULMIYE ee wehelinayey, ayaa socod lug ah ku soo galay xarunta Beerta Xorriyadda oo ay ka buuxeen kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee soo buuxdhaafiyey fagaaraha, kuwaas oo sawaxan iyo shucuur jacayl ka muuqato kusoo dhaweeyey, iyagoo lulayey calanka KULMIYE iyo astaamaha murrashaxiinta kala duwan ee xisbiga KULMIYE ka sharraxan.

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka, Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ugu horrayn fagaaraha kala hadlay taageerayaasha tirada badan ee xisbiga KULMIYE, ayaa uga mahadnaqay jamaahiirta KULMIYE ee soo bandhigay cuddudooda taageero, isaga oo ku adkeeyey inay maalinta codkana sidaas oo kale isu abaabulaan oo ay ku hubsadaan codka, maadaama murrashaxiinta xisbigu u soo dooray yihiin qaar xul ah oo xilkasnimo lagu soo xulay, lagana Baaraan-degay tayadooda iyo kartidooda shaqo.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa isaguna dhankiisa u mahadnaqay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee hadh iyo habeenba heeganka la ah taageerada xisbiga iyo murrashaxiintiisa, waxana uu hoosta ka xarriiqay in cidkasta oo KULMIYE ka sharraxani ka nasiib badan tahay dhiggeeda axsaabta kale ka tartamaysa, isla markaana ay haystaan waxqabad KULMIYE ku suntan yahay oo ay ku faani karaan, taageerayaashuna ku raacayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa muujiyey sida uu ka hoggaamiye ahaan ugu faraxsan yahay taageerada Luxdan ee taageerayaasha xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisu ka muujinayaan fagaarayaasha kala duwan ee dalka, waxana uu si mug leh ugu mahadnaqay taageerayaashaas kalka furan ee u diyaarka ah garabsiinta xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, isagoo ugu baaqay inay sii wadaan taageeradooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo khudbad ka jeediyey fagaaraha Beerta Xorriyadda Hargeysa, waxa uu bulshada u sharraxay murrashaxiinta xisbiga KULMIYE soo xulay ee dhawaan codayntooda loo dareeri doono, waxana uu sheegay inay xisbi ahaan bulshada u soo dooreen miiddii iyo waxgaradkii dadka, waxanu yidhi, “Murrashaxiinta maanta aannu soo sharraxnay dhammaantood dalka oo dhan, gaar ahaan caasimaddu waa dadkii aynu baadhnay ee xulnay oo ah miidda mujtamaceenna oo aynu ku dooranay in aynu ku aaminno taladeenna, haddii ay Baarlamaan yihiin iyo haddii ay Dawladaha Hoose yihiinba.”

Madaxweynuhu waxa uu shacabka Somaliland iyo taageerayaasha KULMIYE ugu baaqay inay codkooda siiyaan murrashaxiinta xisbiga KULMIYE, isaga oo xaqiijiyey in xisbiga ay ka sharraxan yihiin yahay xisbi shirraban oo dalka horumar gaadhsiiyey, immikana ku hawllan yahay hirgelinta himilooyinkii ay aas-aasayaashii KULMIYE dhidibada u taageen,“Ballanteennu waa maalinta codka oo aynu soo saarno xildhibaannada KULMIYE, waayo xisbiyadu waxay ku doodayaan anaa kaa hoggaan wanaagsan iyo anaa talo wanaagsan, KULMIYE waa la tijaabiyey, laba xisbi baa dalka soo xukumay, xisbi UDUB buu ahaa oo Maxamed Ibraahim Cigaal baa aas-aasay, waayo-aragnimadii iyo hoggaamintiisii buu ku meelmaray, ka labaadna waa KULMIYE oo Siilaanyo iyo Fagadhe iyo rag mutacallimiin ah baa aas-aasay, raadkoodii baa muuqda oo aynu wadnaa, raadkii KULMIYE lagu dhisay, mabdi’ii KULMIYE lagu dhisay baa la wadaa oo ah Somaliland oo xor oo ictiraaf hesha oo caalamka gaadha, walaalowda oo hore u marta, taas ayaa KULMIYE laba goor oo hore lagu doortay, maantana lagu dooranayaa oo aan leeyahay shacabka Somaliland ha ugu codeeyaan xildhibaannadooda,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Waxaannu Madaxweynuhu hadalkiisa intaa ku daray, “Xisbiyada nala tartamayaa waxay ku tartamayaan waxaannu qaban doonaa iyo waxaannu yeeli doonaa, mooyi waxaad qaban doonto ayaanu leenahay, waa Qaalin layli ah, labada xisbi ee nala tartamaya mid labaatankii sannoba wuu joogay maalina ma guulaysan, xisbiga labaadna waa layli oo lama tijaabin, waxna muu qaban. KULMIYE wuxuu leeyahay hawshii aad noo igmateen ee tobanka sanno taladeeda haynay, tobanna mucaarad ku ahayn ee aannu halgankii ka soo qaadnay, ayaanu hawsheeda wadnaa oo aannu dhammaynaynaa oo xildhibaannaduna halkaa ka qaadayaan, ma odhaynayno waxaannu qaban doonaa ee waxaannu wadnaa horumar, difaac qaran, waxaannu wadnaa dhismaha waddooyin iyo dekedo, waxaannu wadnaa biyo-xidheenno, waxaannu kor u qaadnay tacliinta libin-laab, waxaannu wadnaa shaqo qaran ee sow nala qabanmaysaan shacabow.”