Puntland oo ku Hanjabtay inay Laascaanood Qabsanayso Iyadoon Dhiig ku Daadan

Garoowe (Aftahannews) – Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa ku hanjabay inay qabsanayaan magaaladda Laascaanood oo ay gacanta ku dhigayaan.

Wasiirka amniga maamul goboleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay inay magaalada Laascaanood ku soo celin doonaan gacanta maamulkooda, iyadoo aan dhiig ku daadan.

Waxaa uu wasiirka Amniga maamulka Puntland sheegay in ay u qorshaysan tahay in magaaladda Laascaanood ay ka dhacaan doorashooyinka soo socda ee uu maamulkoodu qabsanayo, oo ay farsamo ahaana ay howshaas gacanta ku hayaan.

Geesta kale, wasiir amniga maamulka Puntland, ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ay ka dhigi doonaan magaalo ay Puntland qayb kamid ah maamusho sida lamid ah magaalada Gaalkacyo oo ay ka wada taliyaan Puntland iyo Galmudug.