Somaliland oo ku Gacan Saydhay Liiska Jaamacado ay Dowladda Soomaaliya sheegtay in ay Aqoonsantahay

Guddoomiyaha Guddiga Tacliinta Sarre ee Somaliland, Salbeena Dirir Cabdi
Guddoomiyaha Guddiga Tacliinta Sarre ee Somaliland, Salbeena Dirir Cabdi

Hargeysa (Aftahannews) – Guddiga tacliinta sarre ee Somaliland, ayaa ku gacan saydhay, liiska jaamacado ay dowladda Soomaaliya sheegtay in ay aqoonsantahay oo ay ku jiraan 5 jaamacadood oo Somaliland ku yaala.

Guddoomiyaha Guddiga Tacliinta Sarre ee Somaliland, Salbeena Dirir Cabdi
Guddoomiyaha Guddiga Tacliinta Sarre ee Somaliland, Salbeena Dirir Cabdi

Guddiga tacliinta sarre oo maanta magaalada Hargeysa warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay in ayna Somaliland waxba ka khusaynin qiimaynta ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ay ku samaysay jamacado ay ku jiraan kuwo Somaliland ku yaala.

Waxaanay ay Guddigu ay sheegtay in anay jirin jaamacado Somaliland ku yaala oo dowlada Soomaaliya ay qiimayn ku samaysay.

“War kaa waxanu sheegayna in aanu sal iyo raad toona lahayn oo jaamacado ay yimaadena anay jirin wax ay qiimeeyena anay jirin” ayuu yidhi guddoomiyaha guddiga tacliinta sarre ee  Salbeena Dirir Cabdi.

“Kama duwana warkii ay odhan jireen hawada, badda iyo dhulka Somaliland anaga xukuna, Jamacadaha Somaliland koomishanka halkan jooga ayaa xukuma”.

“5 ta jaamacadood iyo anaguba markaanu eegnay, waa xog meelaha laga urursaday oo anay waxba ka jirin” yuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guddiga, ayaa sheegtay in qiimaynta ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ay ku samaysay jamacado Somaliland ku yaala anay waxba ka badali doonin jaamacadaha.

Jawaabta guddiga tacliinta sarre ee Somaliland, ayaa timid kadib markii ay wasaarada waxbarashada ee Soomaaliya, soo bandhigtay jaamacado ay sheegtay in ay ka gudbeen qiimayn ay samaysay oo 5 jamacadood oo Somaliland ku yaala ku jiran.

Jaamacadaha Somaliland ku yaala ee ay dowladda Soomaaliya sheegtay in ay ka gudbeen qiimayn ay samaysay, sidana ay ku aqoonsatay.

Jamacada Nugaal, Laascaanood, Jaamacada Baddar, Hargaysa, Jaamacada Gollis, Hargaysa, Jaamacada Camuud, Borama, iyo Jaamacada Ello, Borama.