Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay inay Diyaarisay Qorshe ay sugayso Amniga Doorashada

Wasiirka Amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale
Wasiirka Amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale

Muqdisho (Aftahannews) – Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale, ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshayaashii ay ku sugi lahayeen amniga doorashada Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale
Wasiirka Amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale

Wasiirka amniga Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay iney diyaariyeen ciidamadii ka qeyb qaadan lahaa sugitaanka amaanka goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan oo ay kaliya ka war sugayaan natiijooyinka ka soo bixi doona Shirka Qaran ee u socda madaxda Fedaraalka iyo kuwa dowladd goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo maalintii labaad galay, lana soo gabagabeyn doono Beri oo Isniin ah sida uu sheegay wasiir Xundubey.

“Waxaan rajo wanaagsan ka qabaa shirka Qaran ee maalintii labaad ka socda Teendhada Afisyooni inuu noqon doono mid mira dhala oo heshiis lagu gaadho si dalka ay uga qabsoonto doorasho wadar ongol ah, wasaaraddana waay u diyaar garowday xaqiijinta amniga goobaha doorashoyinka ka dhacayaan” ayuu yidhi wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcale.

Hadalka wasiirka amniga Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalintii labaad uu galay Shirka Afisyooni uga socda madaxda Soomaaliya, iyadoo doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo muddo dhowr bilood ah la isku mari la’aa sida ay u qabsoomi karto.