Ololaha Doorashooyinka Somaliland oo si rasmi ah u furmay

Hargeysa (Aftahannews) – Waxaa maanta si rasmi ah uga billaabmay gobollada Somaliland ololaha doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanada, taasi oo dhici doonta 31-ka bishan May.

Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID
Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID

Furitaanka ololaha doorashooyinka, ayaa musharaxiinta u ogolaanaya inay qabtaan isu-imaatino ay codka ku weydiisanayaan dadka codeynaya ee iska diiwaan-geliyey codeynta doorashada.

Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, oo safka hore kaga jira jadwalka maalmaha ollolaha ee doorashooyinka Wakiilada iyo Deeganka Somaliland, ayaa maanta ollolihiisa ka bilaabay dhamaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Isku soo baxyada ollolaha xisbiga UCID, ayaa madaxoodu bilaabmay saqdii dhexe ee xalay iyada oo markii uu saaka waagu baryayna madaxda iyo taageerayaasha xisbigu iskugu soo bexeen fagaarayaasha iyo xafiisyada xisbiga ee gobolada iyo dagmooyinka Somaliland.

Taageerayaasha isku soo baxa ka qayb galaya, ayaa sita sawirada iyo astamaha musharixiinta xisbiga ka sharaxan, ee kasoo jeeda gobolka ama dagmada uu dabaal dagu ka dhacayo, iyagoo ku dhawaqaya halku dhagyo ay guul ugu rajaynayan xisbiga.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ollolaha xisbiga ee maalinta kobaaad kaga qayb galay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Guddoomiyaha, ayaa ka hadlay muhiimada ay doorashooyinkani leeyihiin, isagoo ku andacooday in xisbigiisu uu soo sharaxay dadkii isbadalka horseedi laha.