Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo soo saaray Jadwalka Ololaha Doorashada

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa waxaa ay maanta soo saareen Jadwalka Ololaha doorashada goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Xisbiyada Qaranka.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland

Waxaana sidaasi lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland, islamarkaana uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac).

Guddiga doorashooyinka, ayaana go’aamiyay in ollolaha doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Deeganku socdo muddo ku siman 6 cisho, oo ka bilaabanta 23 bisha May kuna dhamaata 28 bisha May, waxaana xisbi walba la siiyay mudo 2 maalmood ah.

Guddiga doorashooyinka, ayaa sidoo kale xisbiyadda qaranka iyo murrashaxiinta u soo jeediyay inay ka foojignaadaan talaabooyinka ka reeban ololaha ee ku cad xeer LR.91/2020 qodobkiisa 90aad farqadiisa 1, 2  iyo qodobka 92aad faradiisa 3aad ee xeerka guud ee doorashooyinka iyo diwaangelinta codbixiyeyaasha ee XL. 91/2020.

Geesta kale, guddiga doorashooyinka, ayaa sheegay inay ololaha ay ka reeban tahay in laysku sameeyo ama laysku dhejiyo astaamaha xisbiyada qaranka, cidkasta oo ay ku cadaatana arrimaha ka reeban ololaha iyo anshaxa laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka