Ganacsade Soomaali ah oo Gaadhigiisa lagu Gubay Magaaladda Nairobi iyo Isagii oo la la’yahay

Ganacsade Bashiir Maxamuud
Ganacsade Bashiir Maxamuud

Nairobi (Aftahannews) – Bashiir Maxamuud oo ah ganacsade Soomaali ah, ayaa muddo todobaad ah la la’yahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay, balse waxaa laba maalmood kahor duleedka magaalada laga helay gaadhi la rumaysan yahay in uu yahay kiisii oo la gubay.

Ganacsade Bashiir Maxamuud
Ganacsade Bashiir Maxamuud

Bashiir oo ah Soomaali Mareykan 35 sano jir ah, ayaan ilaa iyo hadda lagu haynin nolol iyo geeri.

Ninkan oo ay qareennadiisu ku sheegeen inuu yahay qof furfuran, ayaa waxaa la sheegay in kiiskiisa uu xujo ku noqday xitaa booliska baadhaya.

Taliyaha booliiska xaafadda Kabete ee magaalada Nairobi, Francis Wahome, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in ay su’aalo waydiiyeen dhowr qof oo markii ugu dambeysay xidhiidh la sameeyay ganacsadahan injineerka ah.

Cabdullaahi Xasan oo ah qareenka Bashiir, ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee ganacsadaha la arko ay ahayd 13-kii bishan May, markaas oo kamaradaha wax duuba laga arkay isaga oo xilli makhrib ah ka sii baxaya makhaayad lagu magacaabo Miale.

Wuxuu sheegay inay arrintaas ku war geliyeen dowladda Kenya iyo safaaradda Mareykanka ee Nairobi.

Qolofta gaadhiga la rumaysan yahay inuu leeyahay Bashiir, ayaa isla markiiba laga qaatay goobtii lagu gubay, sida uu sheegay qareenku.

Booliiska, ayaa sidoo kale baaahya sida loo gubay gaadhiga Bashiir, saddex maalmood kaddib markii la waayay, isla markaana sida loo qaatay qolofta gaadhiga wax ka yar saacad markii uu sarkaal booliis ah oo ka socday saldhigga Kibiku uu booqday goobtaas.