Hirshabeelle oo faah-faahin ka bixisay iska-horimaadkii shalay ka dhacay Jowhar

Magaaladda Jowhar
Magaaladda Jowhar

Jowhar (Aftahannews) – Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle Axmed Meyre Makaraan, ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal culus oo maalintii shalay gudaha magaalada Jowhar ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan.

Magaaladda Jowhar
Magaaladda Jowhar

Dagaalka oo ahaa mid culus oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 ruux oo isugu jiray Askar iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa madaxtooyada Hirhabeele ayuu sheegay guddoomiyuhu in bilaabeen koox sida uu hadalka u dhigay Mooryaan ah oo doonayay in ay xoog ku furtay dad dhawaanta laga soo xidhxidhay.

”Kuwa soo weerarray ciidamada waxaa ay ahaayeen koox Mooryaan ah oo tuuggo ah oo dadka dhici jiray dhawaan ayaa qaar iyaga ka mid ah la soo xidhxidhay, kaddibna waxaa ay isku dayeen in dadkii ka xidhxidhnaa ay soo daayaan, taas ayaa keentay dagaalka ayuu yidhi guddoomiyaha.

Dadka shalay ku dhintay iska horimaadka, ayaa la sheegay in ay u badnaayeen askar ka tirsaneyd ilaalada madaxtooyada Hirshabeelle, sidoo kale waxaa ka mid ahaa mas’uul ka tirsanaa isla madaxtooyada dowlad gobolleedka Hirshabeelle.