Madaxda dowlad gobolleedyada Soomaaliya qaarkood oo soo gaadhay Magaalada Muqdisho

Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya
Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Iyadoo lagu waddo in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada, ayaa waxaa maanta soo gaadhay  magaaladda Muqdisho qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada.

Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya
Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya

Magaalada Muqdisho waxaa ilaa iyo hadda soo gaadhay madaxda dowlad gobolleedyada Galmudug, ,Jubbaland iyo waliba Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in ay soo gaadhaan magaalada madaxda dowlad gobolleedyada Puntland iyo Hirshabeelle.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dhawaan shirka lagaga hadlayo Arrimaha doorashooyinka waxaa uu ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada. 

Shirkan oo lagu wadday in uu furmo maanta oo  Khamiis ah, ayaa dib  u dhacay iyadoo la sugayo in dhamaan madaxda dowlad gobolleedyda soo gaadhaan magaalada Muqdisho.