Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland oo geeriyooday

Cabdisamad Cali Shire
Cabdisamad Cali Shire

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland General Cabdisamad Cali Shire, ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku xanuunsanaa maalmihii la soo dhaafay.

Cabdisamad Cali Shire
Cabdisamad Cali Shire

Alle ha u naxariistee General Cabdisamad, ayaa ka mid ahaa ciidamada xoogga Soomaaliya, isagoo xilal dhowr ahna ka soo qabtay dowladdii Kacaanka. Wuxuu ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland intii u dhexeysay 2009-2014, isagoo ka mid ahaa aas-aaseyaasheedii.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’isal Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa ka mid ahaa madaxdii ka tacsiyeeysay geeridiisa.

Farmaajo, ayaa sheegay in Marxuum Cabdisamed Cali Shire uu kaalin mug leh ka soo qaatay geeddi socodkii dowladnimada Soomaaliya iyo kan dhismaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Cabdisamad Cali Shire, ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Soomaaliya Xilligii Dowladdii dhexe, isaga oo noqday Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenkii saddexaad ee soo mara Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.