Maxaa lagaga hadlay Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Maanta?

Shirka golaha Wasiirada Somaaliland
Shirka golaha Wasiirada Somaaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Shirkii golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka qabsoomay Hoolka shirarka golaha wasiirrada, ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo la xidhiidha u diyaargarowga iyo hirgelinta doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee qorshaysan 31-ka Bishan May 2021.

Shirka golaha Wasiirada Somaaliland
Shirka golaha Wasiirada Somaaliland

Shirka maanta oo uu Ajandihiisu ahaa Adkaynta Amniga doorashada iyo caddaynta xilka golaha wasiirrada saaran,, ayaa ugu horrayn warbixinno lagaga dhegaystay wasiirradda arrimaha gudaha iyo horumarinta maaliyadda, kuwaas oo caddeeyey inay dhammaystireen dhammaanba wixii dhanka Amniga iyo dhaqaalaha la xidhiidha ee dhinacooda looga baahnaa hirgelinta doorashooyinkaas qaranka muhiimka u ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirka ka jeediyey hadal dardaaran iyo dhiirrigelin ah, ayaa faahfaahiyey baaxadda amni iyo midda dhaqaale ee ay doorashadu leedahay iyo sida ay xukuumaddu uga soo dhalaashay kaalintii kaga aaddanayd, waxana uu yidhi,“Qolada Amnigu waxay inoo warrameen in kharashkii, ciidamadii ammaanka iyo maamulkii ay laban-laabmeen, marka doorashooyinkii hore loo eego, waxana la hawlgeliyey 11,000 oo askari, si 2,800 oo goobood ammaankooda loo sugo, intaana waxa dheer ciidamadii kale oo heegan ku jira oo xuduudaha dhammaantood xidhaya, waana qorshe aad inoogu culus dawlad ahaan, wasaaradda Ammaankuna waxay inoo xaqiijisay in wixii miisaaniyad looga baahnaa hawlahaas dhaqaaqaya ay fuliyeen.”

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in shaqaalaha dawladda iyo ciidamada qaranku mamnuuc ka yihiin, xukuumad ahaanna ay arrintaas dabbaqayaan,“Shaqaalaha dawladdu hadduu ciidan yahay iyo hadduu shaqaale dawladeed yahay siyaasadda wuu ka reebban yahay, waana u dhex oo shaqadii qarankuu wadaa, sharcigaana sidaas ina faraya, waana aynnu ku dhaqmaynaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha golaha wasiirrada faray inay gutaan waajibkooda xisbi iyo midka qaran ee ka saaran hirgelinta iyo dardargelinta doorashada, kuna laabtaan gobollada kala duwan ee dalka, waxana uu yidhi,“Siyaasiyiinta, gole Baarlamaan, Dawlado hoose iyo intii Doorasho ku timi, maanta waa siyaasiyiin, waxana ay ku jiraan shaqadoodii siyaasiga ahayd oo ay xaq u leeyihiin oo nin walba laga rabaa inuu hawshiisii siyaasiga ahayd guto, markaa idinka waxa intaas idiin dheer tii siyaasiga ahayd ee xisbi ee aad ka tirsanayd idinkoo tii qarankana metelaya, labadaas koofiyadoodba waa inaad sidooda u fulisaan oo gobolladii la tago,”

Ugu dambayntii waxa uu golaha wasiirradu fariin u diray  qaybaha kala duwan ee shacabka reer Somaliland, waxana uu ugu baaqay inay iyagoo isku duuban oo midaysan ay ka hawlgalaan nabadgelyada amniga, kana shaqeeyaan sidii ay doorashooyinkaasi Amni iyo nabadgelyo ugu qabsoomi lahayd.