Axmed Madoobe oo si adag uga Jawaabay eedayntii Farmaajo u soo jeediyay

Axmed Madoobe
Axmed Madoobe

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo warayesi siiyay Telefiishanka BBC SOMALI, ayaa sheegay in hadii Farmaajo uu faraha kala baxo amniga iyo arrimaha doorashada Soomaaliya, islamarkaana uu ka dhabeeyo tallaabadii uu ugu wareejiyey Ra’iisal wasaaraha, uu ku kalsoon yahay in khilaafka doorashooyinka lagaga heshiin doono shirka ka dhacaya Muqdisho.

Axmed Madoobe
Axmed Madoobe

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in arrinta ugu muhiimsan ay tahay in Ra’iisal wasaare Rooble uu qaato mas’uuliyadiisa, isagoo u balan qaaday inuu si buuxda ula shaqeyn doono.

Axmed Madoobe, ayaa sidoo kale sheegay in hadii saldhig doorashada lagaga dhigo heshiiskii 17-kii September, ay aad u fududahay in laga heshiiyo arrimaha hadhsan ee la xadhiidha farsamooyinka qabsoomidda doorashada.

Mar wax laga weydiiyey mowqifkiisa arrinta gobolka Gedo, ayuu sheegay in kasii mid ahaanshaha Jubbaland ee gobolkaas ayna wax gorgortan ah ka geli doonin, “Gobolka Gedo arrintiisa wax aan ka ganbaneyno maaha, Jubbaland ayuu ka tirsan yahay, dastuurka dowladda dhexe iyo kan Jubaland ayaa isku si u qeexaya, waa in maamulka gobolkaas lagu soo wareejiyo Jubaland,” ayuu yidhi.

Sidoo kale, Axmed Madoobe, ayaa wareysigaan kaga jawaabay eedeyntii Madaxweyne Farmaajo ee ahayd in shirkii Afisyooni ay ‘fashiliyeen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, iyagoo ka soo shidaal qaadanaya shisheeye’ ayaa eedeyntaas ku gediyey isla Farmaajo, isagoo sheegay in shirkaas uu fashiliyey isagoo ka shidaal qaadanaya Isaias Afwerki-ga Eritrea iyo Abiy Axmed-ka Itoobiya.