Madaxweyne Biixi oo Kulamo Sagootin ah la yeeshay Wufuuddii ka soo Qayb-gashay Munaasibadda 18 May

Madaxweyne Biixi iyo Wufuudda Jabuuti iyo Itoobiya
Madaxweyne Biixi iyo Wufuudda Jabuuti iyo Itoobiya

Hargeysa (Aftahannews) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu maanta kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay wufuud kala duwan oo ka socotay dalalka jaarka oo ka soo qayb-galay munaasibadda xuska maalinta qaranimadda Somaliland ee 18-May.

Madaxweyne Biixi iyo Wufuudda Jabuuti iyo Itoobiya
Madaxweyne Biixi iyo Wufuudda Jabuuti iyo Itoobiya

Wufuudan madaxweynuhu kulanka sabootinta ah uu la qaatay, ayaa ka kala socotay Jabuuti iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo waddanka u yimi ka qaybgalka munaasibadda 18-ka May oo xalay lagu qabtay qasriga madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynaha, ayaa xubnaha weftiga ah ee ka ka soo kicitimay magaalooyinka Jabuuti iyo Jigjiga uga mahadnaqay ka soo qaybgalkooda munaasibadda qaran ee 18-ka May iyo taageerada ay muujiyeen shacabka reer Somaliland ee dabbaaldegga ku hawllan.

Wufuudda ka socotay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo maamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhankooda madaxweynaha, xukuumadda iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland uga mahadnaqay sida milgaha leh ee ay u soo dhaweeyeen iyo walaaltinimada ay muujiyeen.