Dagaal ka Dhacay Magaalada Jowhar

Magaaladda Jowhar
Magaaladda Jowhar

Jowhar (Aftahannew)- Faah faahinno dheeraad ah, ayaa ka soo baxay dagaal culus oo maanta gudaha degmada Jowhar ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo koox macwiisley maleeshiyaad ah oo weeraray sida ay wararku sheegayaan barkootarool oo ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Magaaladda Jowhar
Magaaladda Jowhar

Warar soo baxaya, ayaa sheegaya in iska horimaadka labada dhinac oo ahaa mid xooggan uu ku dhintay sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray Cali Madoobe.

Ilaa iyo hada lama sheegin khasaaraha soo kala gaadhay dhinacyadii dagaalamay.

Kooxdan maleeshiyada ah oo lagu magacaabo Macwiisley, ayaa la sheegay in ay fadhiisimo ku leeyihiin dhinaca galbeed ee magaalada Jowhar, lamana oga sababta keentay in ay iska horimaad la galaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Hirshabeelle, iyadoo magaalada Jowhar ay la daalaa dhaceyso fatahaad u sameeyay wabiga Shabeelle.