Guddoomiyihii Gobolka Wajeer oo Xil ka qaadis lagu sameeyay

Guddoomiyihii Gobolka Wajeer, Maxamed Cabdi Maxamuud
Guddoomiyihii Gobolka Wajeer, Maxamed Cabdi Maxamuud

Wajeer (Aftahannews) – Aqalka Senetka dalka Kenya, ayaa u coddeeyay in xilka laga qaado guddoomiyihii gobolka Wajeer Maxamed Cabdi Maxamuud kaddib markii ay u coddeeyeen xil ka qaadistiisa 25 xubnood oo ka tirsan Aqalka.

Guddoomiyihii Gobolka Wajeer, Maxamed Cabdi Maxamuud
Guddoomiyihii Gobolka Wajeer, Maxamed Cabdi Maxamuud

Badhasaabka ismaamulka Wajeer, ayaa waxaa hore xil ka qaadis ugu sameeyay golaha Wakiilka ee ismaamulka Wajeer.

Aqalka Senetka ka hor waxaa xil ka qaadistiisa u codeeyay Golaha Wakiilada oo markii danbe go’aanka ay gaadheen u soo gudbiyay Aqalka Senetka oo ugu danbeyntii ku raacay Golaha Wakiilada 

Waxaa lagu eedeeyay guddoomiyaha in uu jabiyay sharciga dowladda ismaamulka Wajeer iyo in uu ku tuntay sharciga qandaraas bixinta.

Waxaa uu badhasaabkii ismamaulka Wajeer Maxamed Cabdi Maxamuud noqonayaa badhasaabkii ugu horeeyay ee ka soo jeeda gobolka ay Soomaalida degto ee Waqooyi bari Kenya oo xil ka qaadis lagu sameeyo.