Dowladda Soomaaliya oo Guddi u saartay Dilka Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda

Filed under: Wararka |

Muqdisho (Aftahannews) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble, ayaa guddi heer Wasiirro iyo Saraakiil isugu jira u saaray dilka askari ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya oo meydkiisa la helay.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa baadhista kiiskan u magacaabay guddi ay ka mid yihiin  Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Alcadaalada, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka Xirsi Aadan, iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Benaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud  Qaroole.

Guddigan, ayaa laga sugayaa in ay baadhaan dilka askariga oo meydkiisa laga helay goob khashinka lagu daadiyo, waxaana ay eheladiisa sheegeen in ay ka hor inta aan meydkiisa la helin ay la’aayeen.

Waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa askartii ku biirtay ciidankii badbaado Qaran xiligii ay socdeen qalalaasihii siyaasadeed ee ka dhashay muddo korarsigii labada sano ee dowladda Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login