Rag Doonayay In Ay Is Qarxiyaan oo Lagu Dilay Magaaladda Gaalkacyo

Magaaladda Gaalkacyo
Magaaladda Gaalkacyo

Gaalkacyo (Aftahannews) – Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa sheegaya in ciidamada Booliisku ka hortageen rag doonayay in ay is qarxiyaan, kuwaa oo la sheegay in dhamaantood la toogtay.

Magaaladda Gaalkacyo
Magaaladda Gaalkacyo

Ragga oo la socday Mooto Bajaaj, ayaa la sheegay in ay ka warheleen ciidamada Booliiska Galmudug oo toogtay saddex ruux oo saarnaa mootada, hasse ahaatee waxaa la maqlay qarax aad u weyn oo ka dhacay gudaha mootada oo la sheegay in uu ahaa walxaha qarxa oo ay wateen raggani.

“3 naftood-halige, oo qaraxsiday ayaa qorsheeynayay in ay is qarxiyaan, ayay ka hortageen Ciidanka Boliiska Magaalada Gaalkacyo, Xaafada Wadajir agagaarka Hotel AMBAS dhanka Galmudug, Argagaixisada oo dhamaan goobta lagu dilay” ayuu yidhi Afhayeenka ciidanka booliska Gaalkacyo.

Ilaa iyo hadda ma jirto faah faahin intaa dhaafsiisan oo ay bixiyeen laamaha Amniga Galmudug oo la xidhiidha dilka ragga la sheegay in ay siteen walxaha.