Madaxweyne Biixi: “Kuwa Taageeraya waxa ku dhacaya Falastiin, Waxaanu leenahay Aduunku sidaa ahaan maayee…

Hargaysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa ka hadlay arinta ka taagan Falastiin, isagoona wadamadda beesha caalamka ugu baaqay in ay wax ka qabtaan gumaadka lagu hayo shacabka reer Falastiin.

Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi

Waxaanu si gaara ula hadlay wadamadda leh awoodda diidmadda qayaxan ee Veto in ay gacan ka gaystaan joojinta dhibaatadda lagu hayo Falastiin.

Madaxweyne Biixi, waxa uu sidan ka sheegay khudbadii uu ka jeediyay madaxtooyadda Somaliland ee lagu xusayay dabaal-dega 30-guuradda ka soo wareegtay gooni isku taaga Somaliland.

Madaxweyne Biixi, waxa uu sheegay in arrinta ka taagan Falastiin ay tahay mid aan loo adkaysan karin, isla markaana hiilka keliya ee ay Somaliland u qaban kartaa uu yahay in ay u duceeyaan.

Waxaanu tilmaamay in ay shacab ahaan iyo dawlad ahaanba garab taagan yihiin wax ka qabashadda dhibka ay Yuhuudu ku hayso bulshadda Falastiin.