Qalabkii Codbixinta Doorashooyinka oo Soo Gaadhay Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Waxaa maanta dalka Somaliland si rasmi ah u soo gaadhay qaybo ka mid ah qalabkii lagu galayay Doorashada Codbixinta ee goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka.

Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Masuuliyiinta Hay’adda Madaarrada Somaliland iyo saraakiil ka tirsan xisbiyadda Qaranka, ayaa garoonka diyaaraddaha ee Cigaal International Airport ku soo dhoweeyay waraaqaha Codbixinta Doorashadda goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Waxa goobta ay Guddida doorashooyinka Somaliland kula wareegayeen waraaqahan ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Madaarrada Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar Sayid),waxaanu tilmaamay in Hay’adda Madaarrada Somaliland ay kala shaqaynayso Guddida Doorashooyinka Qaranka,sidii agabkii doorashooyinka lagu geli lahaa loo helo wakhtigii loo baahnaa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.