Turkiga iyo Sacuudi Carabiya oo isku soo dhowaanaya

Mevlut Cavusoglu iyo Faisal bin Farhan Al-Saud
Mevlut Cavusoglu iyo Faisal bin Farhan Al-Saud

Riyadh (Aftahannews)- Turkiga iyo Sacuudi Carabiya, ayaa sii wada doona wada-hadallada ay wax uga qabanayaan khilaafyada u dhaxeeya, waxaa sidaas Salaasadii sheegay wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu kadib markii uu magaalada Makkah kula kulmay dhiggiisa Sacuudiga.

Mevlut Cavusoglu iyo Faisal bin Farhan Al-Saud
Mevlut Cavusoglu iyo Faisal bin Farhan Al-Saud

Cavusoglu iyo wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan, ayaa yeeshay wada-hadallo lagaga dan leeyahay in lagu gudbo khilaafkii ka dhashay dilkii qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu gaystay Jamaal Khaashuqji oo ahaa suxufi Sacuudiyaan ah, 2018-kii.

“Waxaan doonayaa inaan walaalkey Amiir Faisal uga mahad-celiyo casuumadda iyo soo dhoweynta. Waxaan yeelanay kulan furan oo saaxiibtinimo waxaana wax ka qabanay meelaha ay dhibaatooyinka ka jiraan ee xidhiidhkeena,” ayuu Cavusoglu u sheegay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

“Waxaan sidoo kalee ka wada-hadalnay sida sare loogu qaadayo iskaashigeena ku aadan xidhiidhka labada dal iyo arrimaha gobolka. Waxaan go’aansanay inaan sii wadno wada-hadalkeena, waxaana ku casuumay Turkey,” ayuu yidhi Cavusoglu.

Labada wasiir, ayaa sidoo kale ka wada-hadlay gardarrada Israel, sida uu sheegay Cavusoglu, kadib markii Jaamacadda Carabta ay cambaareysay duqeymaha dhimashada leh ee Israel ay ka waddo Marinka Gaza.

“Wasiirka arirmaha dibedda Sacuudi Carabiya kalama hadlin oo kaliya xidhiidhka labada dal, waxaanse ka wada xaajoonay tallaabooyinka aan qaadi karno marka ay noqoto Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Jaamacadda Carabta,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibedda Turkey.

 

Reuters