Madaxweyne Biixi oo Hambalyo u diray Shacabka Somaliland iyo umada Muslim ka ah, Munaasibada Ciida Awgeed

Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Aftahannews) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Somaliland iyo shucuubta Islaamka ugu hambalyeeyay munaasibada Ciidul fidriga.

Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi

Madaxweynaha ayaa yidhi “Illahay baa mahadleh, ina siiyay nimcooyinka badan ee caafimaadku kow ka yahay, nabada, roobka, barwaaqada iyo fadliga Ramadaanta, waxan hambalyo u dirayaa umada Islaamka gaar ahan umada Somaliland”.

“Waxan u dirayaa salaan iyo hambalyo, waxan u rajaynayaa in sanadkan sanadkiisa ay barwaaqo iyo bash-bash ku ciidan oo Alle caafimaad inagu wada gaadhsiiyo”.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale sheegay in Ramadaanta ay ku xigto maalinta xoriyada Somaliland ee 18May, iyo doorashadii oo kasii danbaysa, waxanu madaxweynuhu rajeeyay in maalmahaasi dhami khayr ku dhamadan.

Madaxweyne Biixi, ayaa intaa ku daray in Somaliland ay leedahay cadow badan oo aan jeclayn horumarkeeda, isla markaana loobahanyahay in dhan looga soowada jeedsado.

Shacabka Somaliland ayuu madaxweyne Biixi u rajeeyay in Alle ka dulqaado caabuqa Covid-19 oo uu sheegay in uu ka culusyahay kii sanadkii hore.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.