Deegaanno ka tirsan Soomaaliya oo maanta laga Ciiday

Deegaannada ka tirsan Soomaaliya ee maanta laga Ciiday
Deegaannada ka tirsan Soomaaliya ee maanta laga Ciiday

Muqdisho (Aftahannews)- Deegaannada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee uu ka arimiyo ururka Al-Shabaab, ayaa maanta laga ciiday, kadib markii uu ururkaas sheegay in xalay bisha Soonfur laga arkay deegaanno dhowr ah.

Deegaannada ka tirsan Soomaaliya ee maanta laga Ciiday
Deegaannada ka tirsan Soomaaliya ee maanta laga Ciiday

Sawirro lagu baahiyay warbaahinta u janjeedha Al-Shabaab, ayaa muujinaya qeybaha kala duwan iyo xubnaha ururkaas oo ku ciidaya deegaanno dhowr ah.

Deegaannada, ayaa ka tirsan gobollada Shabeellooyinka, degmada Jilib iyo qeybo kamid ah Galguduud.

Muslimiinta Caalamka, ayaa lagu wadaa in Khamiista beri ah ay ciidaan, maadaama aan bishii laga arag meelo badan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.