Nairobi (Afahannews)- Xoghayaha cusub ee Waddamada ku bahoobay Bariga Afrika Dr Peter Mathuki, ayaa ka hadlay goorta ay suurta gal tahay in Soomaaliya ay ku biirto ururka.
Wuxuu sheegay in ay bilaabeen howlihii hordhaca ahaa ee diyaarinta dalka ee ku biirida ururka ay ku midoobeen dalalka Bariga Afrika.
“Arrintaas waxay ahayd codsi, waxay arrinta taagan tahay bilowgii, markaa waxaan u gudbinnay shuruudaha looga baahan yahay inay buuxiso, waana xidhiidhka ugu horreeya ee dhexmara dal doonaya in uu ku soo biiro ururka”ayuu yidhi Dr Peter Mathuki
Wuxuu intaas ku daray in arrinta ay kala caddaan marka uu bilowdo ka hadalka codsiga Soomaaliya ee ku biiridda ururka EAC.
“Waana bilaabnay arrintaas haatan, waxaan rajeyneynaa kol haddii howashu bilaaw tahay in la gaadhi goor ay wax kala caddaadaan oo la gaadhi doono kolka uu bilaabmi doono ka hadalka ku soo biiridda dalkaas” ayuu intaasi ku daray Dr Peter Mathuki.
Waddamada ku buhoobay ururka Bariga Afrika ee EAC waxaa kamid ah Kenya, Rwanda, Burundi, Uganda iyo Tanzania.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.