Al-shabaab oo Ciid iclaamisay

Al-shabaab

Muqdisho (Aftahannews)- Ururka Al-Shabaab, ayaa sheegay in Arbacada maanta ah ee 12-ka May ay tahay Ciid Al-Fitri. Al-Shabaab waxay sheegtay in siddeed qof oo kala jooga gobollada Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool ay arkeen bisha.

Al-shabaab
Al-shabaab

Al-shabaab, ayaa qoraalkooda ku sheegeen in Deegaanka Afcad oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, inay bisha ku arkeen 3-qof, sidoo kale deegaanka Yasooman oo hoos taga degmada Buulo-Burte ee isla gobolka Hiiraan, waxaa bisha ku arkay hal qof, sida lagu sheegay qoraalka kooxda.

Sidoo kale, waxa ay Al-shabaab sheegeen in duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool inay bisha ka arkeen laba qof, halka deegaanka Tuulo-barwaaqo oo ka tirsan gobolka Gedo ay bisha ka arkeen illaa labo qof, sida lagu sheegay qoraalka Al-Shabaab.

Aragtida bisha ee sideedaas qof darteed Al-shabaab waxay iclaamiyeen in maanta oo Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Shawaal, isla maraakan ay tahay Ciid.

Dalka Sucuudiga oo inta badan ay ka tixraacaan waddamada Islaamka, ayaa sheegay in maalinta Ciidda ay tahay Khamiista 13-ka May.

Dowladda Qatar, ayaa sidoo kale xalay shaacisay in maalinta Arbacada ay tahay Soon 30 buuxo ah, isla markaana la ciidi doono maalinta Khamiista ah ee 13-ka bishan May.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.