Maamulka Puntland oo hakiyay Safarka Dadka ka imanaya Hindia

Wasiirka caafimaadka Puntland, Dr. Jaamac Faarax Xasan
Wasiirka caafimaadka Puntland, Dr. Jaamac Faarax Xasan

Garoowe (Aftahannews) – Maamul goboleedka Puntland, ayaa joojiyay safarka dadka ka imanaya dalka Hindia, halkaa soo uu ka dillaacay nooca cusub ee cudurka Covid-19 oo maalin walba ay u geeriyoodaan boqolaal qof.

Wasiirka caafimaadka Puntland, Dr. Jaamac Faarax Xasan
Wasiirka caafimaadka Puntland, Dr. Jaamac Faarax Xasan

Wasiirka caafimaadka Puntland, Dr. Jaamac Faarax Xasan, ayaa sheegay, iyadoo Puntland ilaalinayso badqabka shacabkeeda in ay joojiyeen safarka dadka ka imanaya Hindia, waxaana laga codsaday dadkaas inay sii joogaan inta xaaladu isbadalayso.

Wasiirka caafimaadka Puntland, wuxuu sheegay ciddii jebisa awaamiirtan in ay galin doonaan karantiil laba todobaad ah, si loo hubiyo caafimaadkooda meesha ay doonaan ha soo maraan.

Wasiir Jaamac Faarax Xasan, ayaa ugu baaqay dowladda federalka Soomaaliya iyo maamulada kale inay go’aan kan oo kale qaataan si lagaga badbaado in dad xanuunka qaba ay Soomaaliya yimaadaan.

Geesta kale, maamulka Puntland, ayaa shaaciyay bishan dhamaadkeeda in ay bilaabi doonto wajiga labaad ee talaalka Covid-19.

Wajiga labaad, ayaa waxaa la siin doonaa dadkii hore u qaataay kii koowaad, halka dadka aan kii hore qaadan loo sheegayo in wali talaalku diyaar ku yahay xarumaha caafimaadka ee magaalooyinka.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.