Madaxweyne Cagjar: Waxaan guul ku gaadhi karnaa Midnimada Umadda Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cumar

Jigjiga (Aftahannews)- Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar, ayaa sheegay in deegaannada Ismaamulka Soomaalidu uu guul ku gaadhi karo oo kaliya midnimada umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cumar
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cumar

Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa waxaa uu sheegay in marnaba aan meel lagu gaadhi karin qabaa’ilada is eryanaya oo midba kan kale uu riixayo, isaga oo intaa ku darray in marka laga eego Itoobiya lagu jiro tartanta dhinca qowmiyadaha.

”Qabiil is eryanaya iyo ururro qabaa’ilaad isku eryanaya dowlad deegaanka Soomaalida ma anfacayaan, waxa kaliya aan ku socon karno guulna ku gaadhi karno waa midnimo Soomaaliyeed, maanta Itoobiya marka aad eegto waxaa lagu jiraa tartan qowmiyad ah, sidaa daraadeed waa in aynu raadinaa midnimo Soomaali isku mid ah” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in marnaba aan la diidaneyn mucaarad iyo in la dhaliilo dowladda, laakiin loo baahan yahay isku tanaasul iyo hore loo sii wada socod.

”Dowladda Boqolaal dhaliilood ayay leedahay, qaar annaga ayaa og, qaar shacabka ayaa og, laakiin waxaa u baahannahay isku tanaasul iyo laga wada shaqeeyo in wax walba hore u sii socdaan oo aan gadaal loo noqon” ayuu yidhi hadalkiisa sii raaciyay.

Geesta kale, wuxuu sheegay in Xisbiga uu hoggaamiyo uu sii laba jibaari doono geeddi-socodka horumarineed ee deegaanka haddii la doorto.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.