Maxamed Xaashi oo soo bandhigay Heshiis ay wada-galeen Rayaale, Siilaanyo iyo Muuse

Maxamed Xaashi, Rayaale, Muuse iyo Siilaanyo
Maxamed Xaashi, Rayaale, Muuse iyo Siilaanyo

Hargeysa (Aftahannews) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka hadlay Nidaamka Maamul ee ay Dalka ku hagayeen Xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland.

Maxamed Xaashi, Rayaale, Muuse iyo Siilaanyo
Maxamed Xaashi, Rayaale, Muuse iyo Siilaanyo

Siyaasiga Maxamed Xaashi wuxuu ku eedeeyay Rayaale, Siilaanyo iyo Muuse inay wada-galeen heshiis aan qornayn, kaasi oo dhigaya inaan midna dabagelin wixii uu khalday kii ka horreeyay

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, wuxuu sheegay in Xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka soo maray, sida Xukuumadihii ay Madaxweyneyaasha ka ahaayeen Daahir Rayaale Kaahin, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xukuumadda hadda joogta ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aad mooddo inay wada galeen heshiis aan qornayn, kaasi oo dhigaya in aanu midna daba-gelin wixii uu khalday kii ka horreeyay.

Maxamed Xaashi oo Waraysi siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa si gaar ah u faahfaahiyey Deraasad uu ku sameeyay Lacagta Qaadka kaga baxday Somaliland intii ay Xukunka hayeen Saddexdii Madaxweyne ee talada Somaliland soo maray, kuwaasi oo uu ku jiro Madaxweynaha Xilka haya iyo weliba Cadadka Lacagta Somaliland muddadaa ku soo iibsatay Sibidhka, xilli la kicin karo Warshadda Sibidhka ee Somaliland, taasi oo ku taalla meel ku habboon.
Wasiir Hore Maxamed Xaashi Cilmi, wuxuu si qoto dheer uga hadlay dhaqaalaha Somaliland ku wayday Sibidhka iyo Qaadka, iyadoo hagaajisan karta Warshadda Sibidhka oo uu sheegay inuu xilligii Siilaanyo ka mid ahaa Guddi loo saaray sidii dib loogu soo kicin lahaa, laakiin fikraddii uu soo jeediyey laga diiday, taasi oo ahayd in Saamiyo la bixiyo, halkii Ashkhaas laga siin lahaa.
Shaqaalaha.

Eng. Xaashi wuxuu ugu horrayn farriin u diray Madaxda Qaranka, waxaanu si gaar ah uga hadlay Daryeelka shaqaalaha Dawladda, “Madaxda waxaan Xasuusinayaa Dhaartii ay galee, markaan taa ka imaaddo, dal ma hagaago haddaan Shaqaalihiisa iyo Ciidammadiisa la daryeelin, tuugana ma dhamaanayso.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Markuu Subaxdii soo kallahayo qofka Shaqaalaha ahi ee Gabadhu tidhaahdo wax dabka Carruurta loo saaro ma hayo, bakhtigaa u xalaal ah, markaa Daryeelkii Shaqaalaha Farahaa laga qaaday.”

Maxamed Xaashi wuxuu sheegay “Markii aan ahaa Wasiirka Maaliyadda, waxaan Shaqaalaha u kordhiyey 100%, waanan ogaa inaan soo saarayo, waxaanan qorshaystay inaan sidaa ku wado illaa Dadku uu helayo wax uu ku noolaado, laakiin tii ma dhicin oo Siilaanyo waa kii xilka iga qaaday markii qayladu yeedhay ee la yidhi waxba lagama daba helayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in aanay Somaliland dhaqaale xumo haynin, balse ay jirto Farsamo xumo, taasi oo keentay in faraha laga qaado Daryeelka Shaqaalaha “Waa Dal dhan oo aan Hanti-dhowrkiisu shaqaynayn, dal dhan oo Madaxdiisu kii ka horreeyay ka tirsanayn oo aad mooddo inay Ilmaadeer yihiin, dal dhan oo aan Horumarkiisii laga fikirayn oo aan la odhanayn maxaa Sannadkan ina soo galay ee aynu kordhinay, shaqaalihii muxuu ku nool yahay, markaa waxaad arkaysaa inay Arrinteenu aad u qasan tahay, markaa taasaa igu keliftay inaan Saxaafadda la hadlo..”

Maxamed Xaashi wuxuu Jaantuuskan hoose ku muujiyey Markii uu Wasiirka Maaliyadda ahaa waxa Shaqaalaha Dawladdu u qaadan jiray Mushahar ahaan iyo wixii uu kordhiyey.

Sibidhka iyo Jaadka.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxa kale oo uu Waraysiga uu siiyey Geeska Afrika kaga hadlay Dhaqaalaha Somaliland kaga baxay Qaadka iyo Sibidhka, waxaanu isagoo arrimahaa ka hadlaya uu yidhi “Madaxweyne Qudha ma canaananayo mid walba intuu lahaa ayaan u soo dhigay (qoray).”

Maxamed Xaashi wuxuu sheegay in intii u dhaxaysay 2004 illaa 2010 oo uu Dalka xukumayey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ay Somaliland Sibidh ku soo iibsatay Lacag dhan $ 95,262,960,00, halka 2011 illaa 2017 oo uu Madaxweyne Siilaanyo dalka xukumayeyna Somaliland Sibidh dalka dibeddiisa kaga soo iibsatay Lacag dhan $ 173,604,528,00, sidaasi oo kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu dalka xukumayo ayuu Eng. Maxamed Xaashi Cilmi sheegay in Somaliland Sibidh ku soo iibsatay $ 33, 907,75,00, lacagtaasi oo marka la isku geeyo dhan $ 371,193,426,00.

Eng. Xaashi waxa kale oo uu soo bandhigay Khasaaraha uu Somaliland ku hayo Qaadka oo ka yimaadda dhanka Itoobiya, waxaanu sheegay in intii uu dalka Xukumayey Daahir Rayaale Kaahin ay Somaliland Qaadka kaga baxday $ 531,691, 174.00, muddadii uu Madaxweyne Siilaanyo uu dalka xukumayeyna Somaliland ay Qaadka kaga baxday lacag dhan $ 1,622,143,236.000, halka inta uu Madaxweyne Muuse dalka xukumayeyna uu Somaliland Qaad kaga baxday Lacag dhan $ 297,492,160.00, lacagtaasi oo marka la isku geeyo noqonaysa $ 2, 970,785,713.00.

Lacagta Somaliland kaga baxday Qaadka iyo Sibidhka 2004 illaa 2021 ayuu sheegay inay dhan tahay $ 3, 341,979,134 Dollar, taasina Markhaati u tahay khasaare laga baaqsan karayey oo dalku galay, wuxuuna iswaydiiyey Cidda masuulka ka ah Khasaaraha intaasi leeg “Markaa ma Dalkaa ina gabay Mise Madaxda Ina Gabtay, Waxaan qabaa in Madaxdu ina gabtay, Waayo? khasaare ayaynu ku jiraa ee yaa sabab u ah, Khasaaraha ugu weyna waa Qaadka iyo Sibidhka.”

Wuxuu intaa ku daray in khasaaraha intaas lee gee dhanka Sibidhka la galay markii la yeeli waayey Talooyinkii uu soo jeediyey ahaa in Saami la bixiyo oo dib loo kiciyo Warshadda Sibidhka ee Berbera “Tii markii la yeeli waayay, Natiijadii waxay noqotay ta Maanta ka dhacday, Jaadkana waalla joojin karaa haddaan laga war wareegin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Madaxweyneyaashii dalka u kala dambeeyay, gaar ahaan intooda nool ee Rayaale, Siilaanyo iyo Muuse ay dhisi karayeen Warshadda, balse ay hagradeen “Saddexdan Madaxweyne mid walba gaarkiisa ayuu Warshadda u dhisi kari lahaa.” Ayuu yidhi.

 

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika