Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Shaacisay Maalinta la Ciidayo

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND SHEEKH KHALIIL ABDILLAAHI AXMED 2020
WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND SHEEKH KHALIIL ABDILLAAHI AXMED 2020

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ay weheliyaan guddiga ilaalinta bisha Ramadaan iyo maalinta Ciida, ayaa war ka soo saaray maalinta la iidayo.

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND SHEEKH KHALIIL ABDILLAAHI AXMED 2020
WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND SHEEKH KHALIIL ABDILLAAHI AXMED 2020

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in maalinta berito ah ay Ramadaan tahay oo la dhammaystiraayo soddonka bisha ramadaan.

Sidoo kale, wasiirka diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa sheegay in maalinta Khamiista ay tahay maalinta koowaad ee Ciida.

“Gobollada dalka, Geeska Afrika iyo dawladaha Islaamka waannu la xidhiidhnay, cid bishii aragtayna ma jirto, sidaas awgeed berri oo Arbaca ah waa Ramadaan, ciidduna waa Khamiista idam Alle”. ayuu yidhi wasiirku.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.