Dowladda Kenya oo Hakisay Duulimaadyada Soomaaliya

Kenya oo Hakisay Duulimaadyada Soomaaliya
Kenya oo Hakisay Duulimaadyada Soomaaliya
Nairobi (Aftahannews)- Hay’adda duulista hawada Kenya, ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii u dhexeyey Soomaaliya iyo Kenya, laga bilaabo maanta oo Salaasa ah.
Kenya oo Hakisay Duulimaadyada Soomaaliya
Kenya oo Hakisay Duulimaadyada Soomaaliya

Xayiraadda duulimaadyadan waxa keliya ka reeban diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay.

Xayiraadda ay soo rogtay Kenya, ayaa ka dambaysay markii hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ay sheegtay bishan May 9-keedii in xayiraaddi duulimaadyada qaadka ay weli taagan tahay.

Qoraal ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu war-geliyey dhammaan shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya in keenista qaadka Miraa ay mamnuuc ka tahay Soomaaliy, islamarkaana ayna waxba iska beddelin delin siyaasadda dowladda federaalka ee ku aadan in Miraa la keeno garoomada diyaaradah Soomaaliya.

Hay’adda, ayaa sheegtay in Miraa la keeno Soomaaliya iyada oo aan ogolaansho laga haysan loo arki dooni ficil sharci darro ah iyo xadgudub ka dhan ah hawada Soomaaliya, inta ay dowladda ogeysiin dambe ka soo saari doono.

Warka ka soo baxay dowladda Kenya ayaa imanaya iyada oo Khamiistii 6-dii May ay dowladda federaalka Soomaaliya sheegtay inay dib u soo celisay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee dalka Kenya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.