Sacuudiga oo Shaaciyey Maalinta ay tahay Ciidda

Riyadh (Aftahannews)- Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa goor dhawayd waxaa ay shaaciyeen wakhtiga ay ku beegan maalinta tahay maalinta la Ciidayo.

Sacuudiga, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in Arbacada berri ay tahay maalinta u dambeysa ee bisha Soon, maadaama galabta la waayay bilashada bisha Soonfur ee Shawaal.

Guddiga aragtida dayaxa ee Boqortooyada Sacuudiga, ayaa xaqiijiyay in baadhistii la sameeyay Salaasadii maanta lagu ogaaday in ayna dhalan bisha Shawaal ee Soonfur.

“Guddiga aragtida dayaxa ee Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijiyay Talaadadii in dayaxa bilaha ah oo curinaya bilowgii Shawaal aan la arkin. Sidaas darteed, Arbacada 12-ka May waxay noqon doontaa maalinta ugu dambeysa iyo 30-ka Ramadaan, Khamiista 13-ka May waxaa loo arki doonaa maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga,” ayaa lagu yidhi qoraal goordhawayd ay soo saartay dowladda Sacuudigu.

Sidoo kale, dowladda Qatar, ayaa caawa shaacisay in maalinta berri ay tahay Soon 30 buuxo ah, isla markaana la ciidi doono maalinta Khamiista ah ee 13-ka bishan May.

Bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa Salaasada maanta ku beegnayd 29, waxaana loo badinayaa in berri la buuxi doono 30-ka, waxaana xusid mudan in bishii hore ee Shacbaan ay ku dhamaatay 30 maalmood.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.