Dekedda Jabuuti oo Kaalinta Koowaad ka Gashay Afrika

Dekeda Jabuuti
Dekeda Jabuuti

Djibouti (Aftahannews)- Dowladda Jabuuti ayaa soo dhawaysay warbixin uu soo saaray Bankiga Adduunka oo lagu qiimaynayay waxqabadka dekadaha laga dajiyo konteenarrada. warbixintaas oo Jabuuti ay Afrika u gashay kalinta kowaaad, halka adduunkana ay ka noqotay kalinta 61-aad.

Dekeda Jabuuti
Dekeda Jabuuti

Guddoomiyaha dekeddaha Jabuuti iyo goobaha ka caagan canshuuraha Abubakar Xadi, ayaa guul iyo sharaf weyn ku tilmaamay warbixinta uu Baanka Addunku soo saaray ee uu ku qiimeeyay dekedda dalka Jabuuti.

Boolka Jabuuti ee dhaadhiciya koonteenarada, ayaa waxaa uu awood u leeyahay in uu dhaadhiciyo maalintii 22 kun oo tan, sidoo kalena wax ka yar saacad ayuu ku raraa baabuurta xamuulka waana taas arinta lagu qiimeeyay, sida uu sheegay Guddoomiyaha dekeddaha Jabuuti iyo goobaha ka caagan canshuuraha Abubakar Xadi.

Hoos ka daawo muuqaalka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.