Dowladda Sacuudiga oo Muslimiinta u ogolaatay Gudashada Xajka iyo Shuruudo ay ku xidhay

Gudashada Xajka
Gudashada Xajka

Riyadh (Aftahannews)- Wasaaradda Xajka ee Sacuudiga, ayaa ku dhawaaqday in haatan ummadda Muslimiinta loo ogolaan doono inay Xajka, inkastoo ay shuruudo ku xidhay.

Gudashada Xajka
Gudashada Xajka

Wasaaradda, ayaa sheegtay dadka doonaya inay acmaasha Xajka gutaan ay tahay inay soo qaataan tallaalka COVID-19, isla-markaana uu jiri doono karantiil muddo bil ah, oo lagu gelinayo gudaha Sacuudiga.

Shuruudahan, ayaa waxaa qayb ka ah in la ogolaan doono oo keliya dadka xidhan kara maaska afka iyo sanka lagu daboosho, taasoo lagu xakameynayo faafitaanka xanuunka.

Wasaaradda, ayaa dadka fartay inay diyaargarow sameeyaan, xilli horena ay soo amba-baxaan, maadaama ay karantiil muddo bil ahi geli doonaan.

Wasaaradda Xajka ee Sacuudiga, ayaa xustay inay dib ka soo sheegi doonaan, haddii dadka da’da loo ogolanayo gudashada Xajka iyo in kale. Wasaaraddu waxay kaloo sheegtay faah faahinta iyo shuruudaha oo dhameystiran in dib laga soo sheegi doono.

Boqortooyada Sacuudiga, ayaa sanadkii 2020 Xajka u ogolaatay toban kun oo qof (10,000), kuwaa oo dhammaantood ka soo Xajay gudaha dalkaasi. Kun ka mid ah dadkaasi ayaa u dhashay Sacuudiga, halka inta kalena ay metelayeen wadamada kale ee Islaamka.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.