Ciidamadda Badda Mareykanka oo Baadhaya inuu Soomaaliya ku soo wajahnaa Hub Shiinaha laga keenay

Ciidamadda Badda ee Mareykanka
Ciidamadda Badda ee Mareykanka

Washington (Aftahannews) – Ciidamadda Badda ee Mareykanka, ayaa sheegay inay baadhayaan halka laga keenay iyo halka loo waday hub fara badan oo Shiinaha laga keenay oo Jimcihii lagala degay doon aan calan lahayn oo maraysay Badda Carbeed.

Ciidamadda Badda ee Mareykanka
Ciidamadda Badda ee Mareykanka

Bayaan ka soo baxay waaxda Arimaha Bulshada ee Ciidamada Badda Mareykanka, ayaa lagu sheegay in asalka kaydka la baadhi doono iyadoo la adeegsanayo howl gal balaadhan, hubkana la burburin doono.

“Kaydka hubka waxaa ku jiray daraasiin gantaalaha horumarsan ee Ruushka lagu sameeyo ee taangiyada lidka ku ah, kumanaan kun oo qoryaha nooca Shiineeska ah ee 56, iyo boqolaal qoryaha darandooriga u dhaca ee PKM, qoryaha toogashada iyo gantaalada,” ayaa lagu yidhi qoraal lagu daabacay bogga wararka hawlgallada badda ee dowladda Maraykanka.

Doonta sidday oo aan wadan calan waxay ku safraysay biyaha caalamiga ah gaar ahaan meel ku taal Badda Woqooyi Carbeed, oo xuduud la leh badda Soomaaliya, waxaana habeenimadii 7-da May arkay Markabka USS Monterey (CG 61).

Maraykanka wuxuu sheegay, Soomaaliya oo ay saaran tahay cunaqabateyn hub oo lagu soo rogay 1993, haddii uu hubkan kusii jeeday, ay sida caadiga ah jebin doontaa xayiraadda Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

Sanadkii 2016, ciidamada badda ee Australia, ayaa gacanta ku dhigay hub ay sheegeen inuu ku wajahnaa Soomaaliya dhanka waqooyi ee Badweynta Hindiya una dhow Badda Carbeed. Waxay ka koobnaayeen ilaa 2000 oo qoriga AK-47, 100 gantaalaha garabka laga rido iyo 49 qoryaha darandooriga u dhaca ee PKM.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Soomaaliya.